Radio Ogaal

Wednesday
Sep 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Ciidamada Shisheeye iyo Mustaqbalka Dalka Soomaaliya.

E-mail Print PDF

Markaanu dib ugu noqono gumaysigii iyo ciidamadii Talyaaniga iyo Ingriiska ee
Soomaaliya yimi waxaan marna aan la illoobayn dhibaatooyinkii iyo xasuuqii
Aadane ee ay u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ahaa ee la
doonayey in xoog lagu gumaysto, si kastaba ahaatee taariikhda ayaa xusaysa
goobihii taariikhiga ahaa ee ay Xasuuqyada ka gaysteen Ciidamadaasi shisheeye
sida "Maallintii Hannoolaato, Dagaalladii Jannaalle ee loogu magac daray Kelli
Asaayle,oo hal maallin oo kelya ay 1000 -Hooyo qaaday "Asay" Dhaxtuur, Xaawo
Taako, iyo S.Y.L oo dhammaantood ka dhacay dhinaca koofureed ee Dalka Soomaaliya
oo ay gacanta ku hayeen Ciidamadii Talyaaniga ee Fashistiga ahaa, calankoodiina
uu dhacay maallintii xornimada ee 1960kii.

Waqooyiga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa iyana gacanta ku hayey Ciidamadii
Ingriiska ee Shacabka Soomaaliyeed ku hayey xasuuq aad u darran goobo fara
badanina oo lagu dagaallamay Ciidamada Ingriiska loogu geystay jab iyo halaag
aad u darran, sida Buurta Sheekh, Saylac, Qalcadihii Taleex ee Daraawiishiitii
Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, iyo goobo kale oo ka tirsanaa Waqooyiga bari ee
Soomaaliya, Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Dalka Soomaaliya oo dhan

Ciidamadani gumaysiga ahi waxay awoodda saareen sidii ay Soomaaliya u sii kala
jejebin lahaayeen Goboldada Dalka .

Haddaba, riyadii gumaystuhu waxay dhab noqotay markii Soomaaliya uu ka dhacay
Dagaalkii Sokeeye 1991-kii taasi oo ujeeddooyinkii Ciidamadii shisheeye ay
lahaayeen ay u hergashay kaddib markii ay Dalka dib ugu soo noqdeen Huwantii
reer Galbeedka ee la magac bxay UNISOM kana gestya xasuuq aad u darran shacab
rayd ahina ka qaxiyey goobihii ay hore u degenaayeen iyagoo u adeegsanayey Hub
aad u culus oo cusub tijaabana u baahnaa in lagu tijaabiyey shacabka raydka ahaa
ee waxba aan galabsan iyagoo weliba ku sugan dhulkoodii hooyo oo ay u dhasheen,
taasina ay tahay mid aan markhaati u baahnayn oo la hayo raadkii iyo taariikhdii
xasuuqa iyo dhammaan waddamadii ka qayb qaatay Xasuuqaasi.

Waxaa su'aal is weydiin mudan ah ciidamadan shisheeye ee maanta ku sugan Dalka
ma kuwa u yimi inay nabadda sugaan baa ?mise waa kuwa u yimi inay Dadka
Soomaaliyeed Xasuuq u geystaan? Jawaabta su'aashani waa mid uu garanayo qofkii
waxgarad ah; laakiin shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad iyo inay
Aayahooda ka tashadaan taasina waxaa lagu gaari karaa in dhammaan aannu kawada
shaqayno dib u heshiisiinta shacabkan Walaalaha ah ee Dhiigoodu uu ku daadanayo
Dhulka, Ciidamo shisheeye oo aan u arxamayna ay Dalka ku sugan yihiin Dowladda
iyo Baarlamaankuna ay Dan moodayaan joogitaanka ciidamadan shisheeye, laakiin ay
caqabad ku tahay geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya.


Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ee la dagaalamaya waxaa la gudboon inay
Dagaalkooda ku xadeeyaan gudaha Dalka Soomaaliya, sababtoo ah waxay abuurayaan
kalsooni darro iyo tuhun dhibaatooyin u geysan kara Dad aan waxba galabsan oo
deggan Dalalka kale ee Dunida, isla markaana abuuri kara Cadaawad aad u weyn oo
ku baahda Dunida oo dhan , sidaa darteed waa inay dib u eegaan Kitaabka alle
iyo ficillada ay ku kacayaan , waxaa la doonayaa sidii Nebiga Maxamed CSW uu ugu
qeexay Magaca Qofka Muslimka ahi "Waa Qofkii Carabkiisa iyo Gacantiisa laga
Ammaan helo" macnaha iyo qeexidda ka dambaysaa xadiiskani qof waliba waa uu
garanayaa lamana bedeli karo ,waxaadna ogaataa in markii aad aargoosi ku samayso
qof aan dembi kaa gelin ay noqonayso fulaynimo ;aadna abuurayso Cadaawad qoto
dheer oo ku baahda Dunida oo dhan badbaadi Diintaada, Dalkaaga iyo Dadkaagaba
kuna dadaal inaad nabad wax ku raadiso.

Xuquuqda Aadanaha iyo Ciidamadan shisheeye ee Dalka ku sugani ,Dowladda iyo
dhammaan kooxaha ka soo horjeeda, waxaan ugu baaqaynaa Dunida Caalamka iyo
Hay'adda Qaramada Midoobay ee Dunida inay wax ka qabtaan Dhibaatadan baahday ee
Xasuuqa, Barakaca, Gaajada iyo Cudurada ee la soo deristay Shacabka raydka ah ee
ku nool Dalka Soomaaliya gudihiisa gaar ahaan koonfurta caasimadda Dalka iyo
agagaarkeeda oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Shisheeye iyo kooxaha ka soo
horjeeda weerar iyo weerar celisna ay isugu weydaarsanayaan Hubka culus iyo
Madaafiic taasoo ay argagax gelinayso Dadka raydka ah ee ku nool gudaha Dalka
Soomaaliya waa in si deg-deg ah wax looga qabtaa, sababtoo ah Hay'adaha
warbaahinta sida BBC-da iyo VOA-du waxay sheegaan oo keliya inta Xabbada ku
dhimatay waxaase ka sii badan inta maalin walba u dhimata gaajada iyo cudurada
taasi macnaheedu waa la garan karaa.

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd Ciidamada Shisheeye iyo Mustaqbalka
Dalka Soomaaliya, ayaanu waxaannu ku soo koobayaa Xabbadi Xal ma ah Ciidamo
Shisheeyana Soomaaliya Xal nabadeed kuma soo dabaali karaan, laakiin waa in
aannu garanaa in nabbadu ay iska imaan karin ee la doonayo in aannu dhammaanteen
kawada shaqayno, Culimada , Aqoonyahanada, dhallinyarada, waxgaradka, Odayaasha
iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed waa in lagu dadaalo sidii loo badbaadin lahaa
Xasuuqa loo gaysanayo Dadka maatida ah ee ku nool Dalka gudihiisa oo lagu dul
Dagaalamayo habeen iyo maalinba Dhiigga iyo Dhaawacuna uu sii kordhayo, taasina
Xal ma ah Soomaaliyeey dib isu eeg oo dib isu qabo.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


 

Wararka Xiisaha Leh

 

VOA - Somali Service: Farhia Absie's resignation letter!

To: Somali Service, Africa Division, VOA, IBB and BBG top executives Re: Resignati...

 

How Did My DNA Make Me?

  Haven't you ever asked yourself how you got your nose, eyes, ears, fingers, toes, ...

 

Maradona's Argentina Remain a Potent Force

   By Farid OmarAs the qualifying for the FIFA 2010 World Cup slated for Sout...

 

Halgankii Xornimada Dalka iyo Kaallintii Culumaa'udiinka Soomaaliyeed.

  Taariikhda soo yaalka ah ee Dalka Soomaaliya ayaa marnaba aysan ka dahsoonayn kaallinti...

 

RUNNING AS A NATION WATCHES

Introduction ...

 

The Bomber is Alive: Shamo Carnage Revisited by Abdikarim H. Abdi Buh.

 The Bomber is Alive: Shamo Carnage Revisited By Abdikarim H. Abdi Buh December 25, 2009 ...

 

Laba Jeer Ayuu Ka Badbaaday Qunbuladii Nugliyeerka Ee Japan , Haduuna Dhintay.

  Waxaa maanta lagaga dhawaaqay dalka Japan in uu dhintay nin laba jeer ka badbaaday qunb...