
Iyadoo Dowladaha Igad ay dhawaan u Ballanqaadeen madaxweyne Shariif in ay Dowladdiisa badbaadinayaan oo Ciidamo u Dagaallama u soo dirayaan, Ayaa Warbaahinta Dalka Itoobiya ay soo bandhigtay Qoraallo iyo Sawirro muujinaya in Madaxweyne Shariif uu la kulmay Ra'isulwasaaraha Itoobiya
isla markaana uu si Fool-kafool ah uga codsaday in Ciidamada Itoobiya ay Qeyb Libaax leh ka qaataan Badbaadinta Dowladdiisa oo sida ugu dhaqsiyaha badanna ay Dowladda Itoobiya uga jawaabto Qatarta ka soo socota Dalka Soomaaliya, Sida uu Shariif sheegay, Balse Melez Zanawi ayey Warbaahinta Itoobiya sheegtay in uu Arinkaas uga Cudurdartay Shariif oo uu ku wargeliyey in Dowladda Itoobiya ay taladaan Go'aan ka qaadatay oo Ciidan dambe oo ay leedahay aaney u direynin Soomaaliya, Balse Qatarta ka soo socota Soomaaliya ay Qaab kale ku Wajahayso.
Warbaahinta Dalka Itoobiya waxa kale oo ay soo Bandhigtay Sawirro Muujinaya Kulanka Melez-Zenawi iyo Shariif oo uu ku jiro Sawir aad u Fool xun oo aad ka dheehan karto Qaabka Melez Zenawi uu isaga riixayo Shariif oo doonaya in uu Xabadka saaro.





