
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga caalamiinka, amaan iyo nabad
gelyona ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo
asxaabtiisii dhamaan.
Intaas ka dib:
Qoraalo hore waxaan ku yara xusay qaar dembiyadii ay kooxdii SNM ee cunsuriyiinta
dembiilayaasha ah ahayd ka gashay xaqqa ummada Soomaaliyeed, si gaar ah qoraalkii
iigu dambayay waxaan ku soo qaaday saddex dhacdo, oo ka mid ahaa dembiyadii iyo
xadgudubyadii ummada la galay tan iyo markii ay jabhadihii qabiilka ku salaysnaa ee
uu cadawga ummadan ee
Ethiopia soo hubeeyay, oo u soo diray in ay dalkooda iyo dowladooda dhabarka ka
wareemaan, saddexdaa dhacdo mid waxa lagu eedaynayaa in ay gaysteen ciidamadii
dowladii dhexe ee Soomaaliyaa waqtigaas, labada kalena waxay ka mid ahaayeen
xasuuqyadii faraha badnaa ee uu ururka SNM ee budhcada ahi ka gaystay dalka,
waxaana dadka waydiiyay maalintaas kala duwanaansho aan dareemay oo u dhexaysa
saddexda dhacdo, iyada oo ay dhacdada hore tahay mid
Aad warbaahinta ugu faaftay, oo caan ah, oo had iyo jeer lagu soo qaado, halka
labada dhacdo ee dambe aanad haba yaraatee ku maqal oo lagu soo qaadin
warbaahinta!!! Qoraalkaa ka dib waxaa ii yimid E-mailo aad u tira badan, kuwaas oo
uu qof waliba ku cabiraayay, sida ay la tahay in ay u dhacday kala duwanaanshaha
saddexda dhacdo iyo waxa sababayba, E-mail daa qaarkood waxay xambaarsanaayeen
fikrado aad u la yaab badan, qaarkoodna waxaan ka helay macluumaad aad u
Fara badan, oo aanan runtii hore u ogayn, kuwaas oo qaarkood argagaxba I geliyeen,
siyaabaha loola dhaqmi jiray maxaabiista ay SNM tu qabtaan iyo dhibaatooyinkii loo
gaysan jiray, hase yeeshee waa arimo baadhitaano dheer u baahan, oo maaha wax halkan
lagu qoraayo ilaa cadaymo dhamays iyo dheeli tiran loo helo, waxaa iyana jiray dad
fikradahooda ay ka qabaan qoraalka kaga dhiibtay mareegaha qaarkood, waxaana ka xusi
karaa mid aad iiga qoslisiiyay, misana aan ka
Murugooday, wuxuuna ahaa nin isaga oo aniga iga hadlaaya yidhi:"war nimanyohow, war
dee ninkanu waa mid hada god madow ka soo baxay, bal eega wuxuu ka sheegaayo ururkii
SNM ee xaqq u dirirka mujaahidiinta wadaniyiinta ahaa, dadkii wanaagsanaa, weligay
maan arag cid waxaa ka sheegaysa", wuxuuna hadalkiisa xaga dambe kaga sii daray oo
sheegay in aanu berigaas dagaalkoodu soconaayay aanu jirin isagu!!!wadaniyadaa
dhacday markaynu ku sheegno koox
Cunsuriyiin gacan ku dhiiglayaal dembiilayaal ah, oo wadankoodii khaayimay, ee
intay cadawgii ummadooda u galeen lagu soo hubeeyay oo lagu soo hagay wadankoodii
iyo shacabkoodii, si ay docda uga wareemaan dhabarkana uga jebiyaan, iyaga oo og in
wadankoodu waqti aad u adag ku jiray, oo lagu hayay colaado is biirsaday oo
dhinacya badan kaga imaanaayay, maxaynu ku sheegi doonaa wadanigii dhabta ahaa ee
badbaadinta dalkiisa iyo difaaciisa ku hawlan!!! Markaynu se ku
Sheegno gacan ku dhiigle dhex muquuranaaya dhiigii muslimiinta, oo uu gacmihiisa ka
da'aayo dhiigii muslimiinta aan waxba galabsan, oo u adeegaaya gaalo iyo cadawga
muslimiinta oo dhan, ee aan iska maydhin kaadida iyo wasakhdu in uu yahay mujaahid,
maxaynu ku sheegi mujaahidkii runta ahaa ee u dagaalamaayay dar Allaah iyo oo keli
in hadalka Allaah noqdo kan koreeya!!! Waxaan ninkan hadalkiisa u soo qaatay,
waxaan ka dareemay in uu daacad yahay oo la khalday,
Badanaana inta sidiisaas oo kale loo khalday! waxaan dhab ahaantii aad uga
tiiraanyooday dhalinta faraha badan ee sidiisaas oo kale loo marin habaabiyay, oo ay
adkaanayso sida ay Soomaali isu fahmaan berito, waayo waxaa ummada loogu abuuray
cuqdad iyo cadaawad, mana ay oga in kuwa waxan ka dhaadhiciyay ay iyagu yihiin kuwii
eeshaba dhigay, ee uu ku adeegtay cadawgeenu dhamaan, una noqday dubihii uu ku
burburiyay wadankeena qaaliga ah, ee aanu markaa ka hor soo
Hawaysan jirin inuu ka soo dhowaado xuduudeheena bad, cir iyo dhul toona. Hadaba
E-mailadaa iyo fikradahaa markaan ka saaro qaar badan oo mowduuca baal maray, waxaa
ku jiray kuwa badan oo ka bixiyay jawaab sax ah su'aashaydii ahayd waxa keenay kala
duwanaansha dhacdooyinkaa aan soo tilmaamnay, in kasta oo aanan anigu baahi sidaas
ah u qabin jawaabta, waxayna dhamaan dadkaasu ku soo jawaabeen in ay kala
duwanaanshaha keentay iyada oo ay kooxda SNM ee u
Dooda dhacdada hore, labada dambena iyagu ka dambayay, ay kaga horeeyaan Soomaalida
inteeda kale xaga adeegsiga warbaahinta, taas oo u suura gelisay in ay aduunka ka
dhaadhiciyaan waxyaaba badan oo been abuur ah, oo ay uga gol lahaayeen inay ku
taageeraan qadiyadooda gooni isutaaga ah, kuna guulaysteen runtii in ay ku soo
jiiteen caadifada urura badan oo aduunka ah, SNM iyaga oo adeegsanaaya warbaahinta
caalamiga ah, waxay ku guulaysteen in ay aduunka ugu sawiraan
dowladii dhexe ee Soomaaliya rajiim sharwade ah oo gacan ku dhiigle ah, oo sabab
la'aan isaga xasuuqaaya shacabkiisa, oo horumar u diiday dalka, bal taas waxay ku
guulaysteen in ay ka dhaadhiciyaan shacabkii Soomaaliyeed ee iyagu dowlada ku hoos
noolaa, oo ay taas kaga heleen taageero aad u balaadhan, ugu dambayntiina in badani
raacday jidkoodii oo cadawgii ummada isu dhiibeen, laguna soo hagay sidii SNM ta
dalkoodii, ayna ina dhaxal siiyeen taynu maanta ilaa
Labaatankii sano ee ina dhaafay aynu ku suganahay, SNM iyaga oo adeegsanaaya
warbaahinta waxay ku guulaysteen in ay aduunka isugu muujiyaan dhibanayaal, iyaga
oo dhab ahaantii ah dembiilayaal, marka goorma ayuu dembiile noqdaa dhibane?!!! Waa
marka uu si xirfadaysan u adeegsado warbaahinta! Warbaahintu iyadaa dembiile ka
dhigi karta dhibane, dhibanena ka dhigi karta dembiile, bal eega hada kooxda
casaabada ah, ee ay SNM u soo dhiibtay dacwada shirqoolka
Ah ee lagu soo oogay S/guud Maxamed Cali Samatar, waxaa hor kacaaya oo dacwada
dabada ka riixaaya ururo u dooda xuquuqda dadka, laakiin se ururadaasu kama
warqabaan in ay dacwadanu tahay shirqool ay soo abaabuleen koox dembiilayaal ahi,
waxa Gen. lagu haystaana ay tahay oo keli ah xisaab sifayn iyo in dhulka lala dhaco
wax kasta oo qaranimadii Soomaaliyeed laga uriyo, waayo waxaan jirin cid kale oo ka
dhaadhicisa ururadaa xaqiiqada dacwadatan iyo xaqiiqada kooxda
Dembiilayaasha ah ee soo abaabushay, bal taa iska daayoo Soomaalida inteeda kale
siiba inta ay sida gaarka ah u khusayso, waxay ku guul daraysteen in ay beesha
caalamka, haya'adaha iyo ururada u dooda xuquuqda dadka, in ay gaadhsiiyaan oo ka
dhaadhiciyaan xadgudubyadii Soomaaliya ka dhacay gaar ahaan xasuuqyadii tirada
badnaa ee SNM u gaystay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada woqooyi.
Dhacdooyinkii xasuuqa ahaa ee Bancade iyo Ceerigaabo
Hore waxaan u soo tilmaamay labadii dhacdo ee Bancade iyo Ceerigaabo, ee ay SNM ku
xasuuqday dad shacab ah oo maxaabiis u ahaa, waxana barbar dhigay dhacdadii jaziira
oo aanan anigu runtii aad xog ogaal ugu ahayn maqal mooyee, hase yeeshee sida aan
warbaahinta ugu arkay labada dhacdo ee hore aad bay uga xanuun iyo argagax badan
yihiin dhacdada jaziira, hase yeeshee kumaan soo qaadin qoraalkayga arimo badan oo
la xidhiidha qaabkii loo fuliyay labadaa dhacdo ee
Xasuuqa ahaa iyo kuwa badan oo la mid ah, sidaan iyana qoraalo hore ku sheegay kana
soo horjeeda waxyaabaha ay ku andacoodaan kooxda SNM, waxa uu dagaalkoodu ku
jihaysnaa 85% dad shacab ah oo ay isir ahaan ula dagaalamayeen, waxay dad shacab ah
ku xasuuqeen magaalada Xudun, Damalaxagare, Xingalool, Carmaale iyo Hadaaftimo,
dhulkaa aan soo tiriyay may ahayn dhul ay joogaan ciidama dowladeed xataa malaha
saldhigya booliis, waa dhul nabdoonaa oo shacab
Aan cidna dembi ka gelini ku noolaayeen, tan kale dadkaa shacabka ah ee ay
dagaalada ku qaadayeen kooxda SNM, iyana in kasta oo aanay lahayn urur iyo ciidan
habaysan oo hubaysan, xaga hubka iyo dhaqaalahna aanay kala mid ahayn, iyada oo ay
kooxda SNM taageero ka helaysay dowlada shisheeye ah oo dalkeena cadaw ku ah sidaan
soo xusnay, hadana beelahaasu way iska difaacayeen wararadii ay kooxda SNM ku soo
qaadaysay, markaa anigu ka hadli maayo gobo
Dagaal oo si fool ka fool ah laysaga hor yimid iyo cidii ku dhimatay dhinac kasta
ha noqdeen ee, ee waxaan ka hadlayaa waa maxaabiis la gumaaday iyo gobo nabad ah oo
inta la weeraray lagu xasuuqay shacabkii joogay ee aan waxba galabsan, wax dagaal
ahna aanu ku jirin,tan kale kama aan hadlin waxyaabihii ka dhacay galbeedka Sool,
gobolka Cayn iyo gobolka Awdal, waayo cadaymahooda baa igu yar, waxa se waxaas oo
dhan isku fuuq fuuqsanaya waa xasuuqyadii
Waawaynaa ee ka dhacay woqooyi galbeed iyo Togdheer, ee ay kooxda SNM ku xasuuqday
kumanaanka kun oo qaxooti, shacab, shaqaala dowladeed iyo ciidamadii dowlada ee
halkaa ku go'doomay ahaa, taas waxay dhacday markii ay dowladii dhexe dhacday ee uu
Cumar Carteh Qaalib, oo uu madaxwaynihii dowladii dhexe ee Soomaaliya Maxamed
Siyaad Bare u magcaabay ra'iisal wasaare, markii ay dowladii dhexe dhacdayna, uu
Cali Mahadi Maxamed oo ku dhawaaqay
In uu xukunkii qabsaday, uu isla isagii u magcaabay ra'iisal wasaare waa Cumar
Carteh ee, uu ku amray ciidamadii qaranka in ay isu dhiibaan jabhadihii qabiilka ku
salaysnaa ee qaska, xaasuuqa iyo dagaalka sokeeye wadanka ka waday, taas oo keentay
in ay ciidamadii xooga dalku kala dareeraan, sababtayna in jabhadihii wadanka ku soo
duulay, ee cadawgu soo hubeeyay dabadana ka riixaayay ay xasuuq balaadhan, oo aan
loo aabayeelin kula kacaan shacabkii Soomaaliyeed
Woqooyi iyo Koonfurba. Markaa jabhadihii cunsuriyiinta gacan ku dhiiglayaasha ahaa
ka sokow, waxaa maasuuliyada kowaad ee xasuuqaa shacabka loo gaystay dusha ku
qaadaaya ayna tahay in maxkamad lagu soo taago Cumar Carteh Qaalib, waayo wuxuu ku
gargaaray oo u fududayay jabhadahaa, in ay gaystaan xaasuuqaa bahalnimada ah ee
sidaas u balaadhan, isaga iyo xukuumad ku sheegiisii waqtigaa, waxaa kaloo jiray
masuuliin badan oo wadanka ku sugnaa waqtigaas
oo waxna ka qaban karaayay musiibadan shacabka ku habsatay, ilaa maantana dedaal ugu
jira oo u heelan in ay wadanka wax ka noqdaan, qaarkoodna ayba masuuliyado ka soo
qabteen wadanka intii gumaadyadaa ka dambaysay ama hadaba ka hayaan, oo aan xataa
cambaarayn xasuuqyadii dhacay waqtigaas haba yaraatee, wuxuu kaloo keenay amarkii
Cumar Carteh in ilaa maanta Soomaaliya kala dambayn iyo nabad lagu soo dabaali kari
la' yahay.
Beesha Isaaq oo jebisay heshiiskii Beelaha ee Burco 1991!
Waxaa mareegta afnugaal.com ku soo baxay 10kii bishan qoraal tafatir ah oo ay ku
cadayeen in beesha Isaaq jebisay heshiiskii ay beeluhu ku gaadheen magaalad Burco
1991kii, laguna sii xoojiyay heshiisya dambe oo ka dhacay magaalooyinka Ceerigaabo
iyo Boorame, kuwaas oo lagu heshiiyay in layska ilaabo dembiyadii hore u dhacay oo
aan laysu qabsan, taas waxay dhacday markii ay dad beesha ka soo jeedaa dacwad ku
soo oogeen S/Guud Maxamed Cali Samatar
Madaxwayna ku xigeenkii kowaad ee dowladii kacaanka Soomaaliyeed, oo ka soo jeeda
mid ka mid ah Beelihii heshiiska ku kala saxeexday Burco! In kasta oo ay aniga laba
ii kala yihiin Beesha Isaaq iyo kooxda SNM sidaan qoraalo hore ku cadayay, oo aanan
marna dusha ka saarayn beesha, waxa ay geesteen kooxda SNM, ayna yihiin beel ummada
Soomaaliyeed qaderin iyo miisaan culus ku dhex leh, hadana runtii hadalkan aad baan
ugu raacsanahay afnugaal.com, waayo in kasta oo ay
Kooxda SNM dacwadan shirqoolka ah soo maleegtay, hadana waxaan la hayn aniga
ogaalkay cid beesha ka soo jeeda oo ilaa hada cambaaraysay dacwadan shirqoolka
qorshaysan ah, gaar ahaan aqoonyahanka, siyaasiyiinta, isimada, culimada, odayada,
abwaaniinta iyo guud ahaan waxgaradka beesha kama aanan maqlin cid cambaaraynaysa
dacwadaa shirqoolka ah, ee lagula kacay muwaadin hogaamiye ah oo maqaam iyo miisaan
culus ku dhex leh ummada, ahna astaamaha aadka u yar ee
Ka sii muuqda qaranimadii Soomaaliyeed, maadaama dadka dacwadan wataa ay yihiin kuwa
ka soo jeeda beeshooda! Ayna dacwadanu xadgudub iyo jebin ku tahay heshiisyo ay hore
ula saxeexdeen beelaha kale ee Soomaaliyeed, SNM se iyagu weligoodba ma dhowrin wax
heshiis ah oo ay beeluhu gaadheen, bal had iyo jeer waxay ku talaabsanayeen waxyaabo
badan oo jebinaaya heshiisyadii beelaha walaalah ah af iyo adinba, manaba ay
aqoonsana heshiisyadaa, bal waxay u
Aqoonsan yihiin beelaha dega inta ay ka calaamadsadeen dhulka Soomaaliyeed, ee ay ku
andacoonayaan in uu yahay xuduudkii Ingriiska!!! Siduu Ingriiskii isagu dadka dhul
uu lahaa ku beeray, iyaguna ay yihiin kuwa Ingriiska dhulka ka dhaxlay!!! Waxay u
aqoonsan yihiin shacabka dhulkaa degaa in ay yihiin dembiilayaal ay cafiyeen! Taas
oo aan in badan ka maqalo kooxdaa xubnaheeda madax iyo mid hooseba, si kasta ha
ahaatee sidaan qabo waxa ah hada, ciyi waa ka
Beryay, in la dalbado in la joojiyo dacwadan shirqoolka ah ee Gen. lagu soo oogay,
waayo mar hadii ay hada arintu halkaa gaadhay waxa u wanaagsan Gen. ka iyo ummada
Soomaaliyeed ba, in ay kooxdan casaabada ahi, ku soo cadayaan dacwadaha ay u
haystaan, haday ku fashilmaana oo ah taan ku kalsoonahay, waa in iyaga lagu soo
oogaa dacwad sharaf celin ah. S/Guud Maxamed Cali Samatarna waa halyay waxbana u
noqon maayo oo u dhimayso dacwada ay ku soo oogaan koox yar
Oo casaabad ah, oo ay madax martay caadifad qabiil, dhamaana ummada Soomaaliyeed
inta leh damiirka nool ee caafimaadka qaba baa barbar taagan, wuxuuna baaqi ku
noqonayaa baal dahab ahna kaga jiraa taariikhda ummada Soomaaliyeed, arintanuna
waxay albaabada u furtay, in dhamaan dadkii dembiyada dagaal iyo xasuuqyada ka
gaystay wadanka guud ahaan, lagu soo wada oogo dacwado, dhamaan xadgudubyadaa,
dembiyadaa dagaal iyo xasuuqyadaa aan soo tilmaamay
Iyo wax badan oo aanan tilmaaminba, dadkii ka dambayay si xor ah bay dunida u
mushaaxayaan, masuuliyado bay ka hayaan meelo badan, qaar weli dhibtii iyo
hagardamayntii shacabka bay weli gacmaha kula jiraan, bal ilaa maantadaa aan
joogono baa dembiyadii dagaal laga gelayaa shacabka, waxaan dhowaan ku aragnay
warbaahinta qaarkeed, in markii ay ciidamada Xabashida iyo maleeshiyada SNM oo
sidii caadada u ahayd, is garabsanayaa ay dagaalka laba geesoodka ah ku
Soo qaadeen gobolka Cayn, waxa la sheegay in dad shacab ah Beebee dusha laga
mariyay tuulada Balihadhac, lana bililiqaystay oo hantidoodii la boobay shacabka ku
dhaqan magaalada Widhwidh, dabcan maan cadayn karo tan hore, ee waa sidaan
warbaahinta qaarkeed ku arkay, tan dambe se waa wax aan aad u rumaysanaayo aana
filaayay dhicina doonta, waayo maleeshiyada SNM waxay ka kooban tahay waa jiri,
dayday iyo wixii ilaahay nacay oo dhan, oo inta meel laysugu ururiyay
Lagu tilmaamay ciidan qaran, markaas taasu waa u caado, oo waxay ka gaystaan meeshii
ay galaanba, hadaba bal in ina wadanku inoo xasilo oo nabad iyo kala dambayn lagu
soo dabaalo, waxaa waajib ah in dembiilayaasha dacwado lagu soo oogo,
dembiilayaashaa oo meela badan oo wadankeena iyo debedaba ku filiqsan, waxaa se
badankoodii caloosha ugu jiraan maamulka SNM iyo DKMS, labadaana waxa gacanta ku
haya oo naax naaxshay beesha caalamka.
Dagaalkii gobolka Cayn ee laba geesoodka ahaa
Waxaan ugu horayn haba soo daahdee tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii iyo
dhamaan shacabka gobolka cayn dadkii kaga geeriyooday dagaalkii xaqdarada iyo
bahalnimada ahaa, ee ay ku soo qaadeen cadawga Xabashida iyo kuwii ay weligoodba ku
adeegan jireen ee ku soo hugaamin jireen dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, ee
budhcada SNM, in Allaah sabir iyo iimaan ka siiyo iyagana naxariistii jano ugu
bishaarayo, in kasta oo uu dagaalkaas ay dad badani ku naf waayeen hadana
Wuxuu ahaa guul u soo hoyatay gobolka cayn, si gaar dagaalkii Buuhoodle ay shacabku
kula galeen ciidama cadawga Xabashida, waxaan u arkaa in uu ahaa talaabo sax ah oo
geesinima ah, oo ay aad ugu baahnaayeen dadka mandaqadu iyo dhamaan shacabka
Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ku hambalyaynayaa dhamaan dhalintii u dhabar
adaygtay dagaalkaa, ee ciidamada cadawga jabka iyo halaaga gaadhsiiyay. Reer
buuhoodle way guulaysteen waxayna aduunka tuseen wejiga foosha
Xun ee cadawga Xabashida, waxay u muujiyeen aduunka sida foosha xun ee ay Xabashidu
ugula jirto faraha Soomaaliya oo dhan, iyagoo awel marmarsiinyo uga dhigan jiray
aduunka waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed, inay iska celinaayaan ururo islaam ah
oo xagjir ah, ayay reer Buuhoodle tuseen aduunka wejiga dhabta ah ee cadawga
Xabashida, in ay xataa beelihii Soomaaliyeed ku dhex jiraan oo u kala hiilinayaan,
dagaalkan oo ay u arkeen kooxihii dabaqoodhiga u ahaa Xabashida
Fursad ay ku duri karaan kooxa kale oo iyaga ka soo horjeeda, ayay ugu horayntiiba
tacsi tiiraanyo leh u direen seyidkoodii Xabashiga ahaa, oo ay ka tacsiyadaynayaan
askartiisii xun xunmayd ee injirta lahayd ee dagaalka kaga baqbaqtiday, qaar baa I
odhan doona Soomaali bay ahaayeen, may ahayn Soomaali ee qudhun dubka nooga eg bay
ahaayeen, waxay ahaayeen kilaab loo soo rabaystay wax yeelaynta ummada Soomaaliyeed,
tan labaadna waxay ku baraarujiyeen Seyidkoodii in ay
Kooxdaasu ka dambaysay dagaalka, ayna tahay in ay cadaadiska iyo dagaalka ku sii
hayaan reer Buuhoodle ilaa inta ay iska saarayaan kooxdaas, mase ay dareemin
dabaqoodhigaasu dhirbaaxada ciidan iyo siyaasadeed ee uu seyidkoodii arxan laawaha
ahaa kala kulmay reer Buuhoodle, hadaba waxaa is waydiin mudan maxaa sababay
dagaalka Buuhoodle? Yaa se ka dambayay dagaalkaas?! Mujrimiintu cid kasta oo ay ku
eedayaan ama dusha ka saaraan iyo cid kasta oo iska fogaysaba,
Dagaalkii Buuhoodle wuxuu ahaa qarax ka dhashay kacdoon shacab la cadaadiyay, wuxuu
ahaa qarax kacdoon shacab oo ay sababtay siyaasad xumida nidaamka Xabashida, waxaynu
si fiican ula soconaa in ay Xabashidu ka dambaysay oo qorshaysay heshiiskii labada
maamul kula kala wareegeen gacan ku haynta magaalada Laascaanood ee xaq darada ahaa,
ilaa la kala wareegistii Laascaanood wixii ka dambayay, nidaamka Xabashidu isaga oo
ilaalinayaa heshiiskaa ay iyaga iyo
Labada maamul wada gaadheen DKMSna ee waqtigaasuna ay wax badan ka ogayd, hase
yeeshee shacabkii dhulka lahaa aanu waxba ka ogayn, ayay Xabashidu mar kasta oo ay
dareemaan in Buuhoodle ay ka jiraan xoogaa dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan Laascaanood,
ayay waxay soo dhoobaan magaalada Buuhoodle ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo inta
ay xadka ka soo gudbaan urursada hanti shacabka deegaanka una caga juglaya, taas
ayuu ugu dambayntii ka dhashay qaraxan
Ah kacdoonka shacabka ay cadaadisay oo cabudhisay dowlada Xabashida ee faashiista
ahi, taas oo ay ahayd in ay xaq dhowrto xuduudka dowliga ah iyo derisnimada, hase
yeeshee reer Buuhoodle dhab ahaantii waxay Xabashida u dhigeen deris lama ilaabaan
ah, waana ku hambalyaynayaa talaabadaa geesinimada ah, Soomaalida kalena waxaan
leeyahay ku dayda reer Buuhoodle oo ha u biqina Xabashidan dhulkeenii siday
doonayso ka yeelaysa ee ha layska celiyo, Allaah ha u wada
Naxariisto intii gobolka Cayn lagu laayay iyo dhamaan Soomaalida maalin kasta xaq
darada loo xasuuqaayo iyo dhamaan muslimiinta ee, dadkii dagaalkaa ku dhintay waxaa
dhamaaday ajalkoodii oo marlayba way dhiman lahaayeen, ee yaan loo baqan cadawga
Xabashida. Laakiin in kasta oo ay reer Buuhoodle guul u soo hooyeen ummada, hadana
arinta weli waxbaa ka dhiman oo guushii ma dhamays tirna!!! Waayo Xabashidii waxay
la tagtay oo weli ku maqan dhamaan hantidii ay markii
Hore shacabka ka qaaday, marka maxaa si ah oo arinta ka dhiman?!! Waxa ka dhimani
waa isla tii aan hore u soo sheegay, waa doorkii warbaahinta ee ku aadanaa dhacdadan
iyo doorkii qurbajoogtii qaylada badanayd ee laga fadhiyi waayay!!!, ee iyagu gayn
lahaa oo ogaysiin lahaa maxfalada dowliga ah dhacdadan, Xabashidana jid walba isu
taagi lahaa oo ku ceebayn lahaa.
Talo iyo gunaanad
Waxan ku soo gunaanadayaa qoraalkan talo ku wajahan qurbajoogta qaylada badan, ee
inta ay naftoodii iyo caruurtoodii gaysteen meelo nabad ah oo leh horumar dhinac
kasta ah, halkii ay ka gargaari lahayeen shacabkii wadanka joogay, ee aan iyagu
helin fursadaha ay heleen oo kale, bal halganka ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen
quutul daruuriga maalintaa, ay halkaa buuqa colaadaha xambaarsan waqti hore laga soo
doogay kaga soo afuufaayaan shacabka, oo qayladoodii hadh iyo
Habeen laga joogi waayay, ayaan waxan leeyahay dadka wadanka joogaa waxaad u
sheegaysaan waa og yahay oo ma moogana, nin tuur lihina isaga ayaa kaa yaqaan siduu
u seexdo, dadkanu way garanayaan siday arimohooda xal ugu raadiyaan, waxaana ka
go'an in si nabad ah arimohooda ku dhamaystaan, wax dhib iyo colaad ah oo dambena
aanay dhex marin beelaha Soomaaliyeed ee walaalahood ah, ee ay deriska iyo dan
wadaagta yihiin, dagaalna uu noqdo Allaah kama dhigee
Waxa ugu dambeeya ee lagu tala qaato, taas macnaheedu maaha in aan loo diyaar
garoobayn dhinac xun hadii ay timaado oo laga fursan waayo, bal waa waajib ay tahay
in aan dhamaan iska kaashanaa, marka aniga oo u jeeda in aad doorkiinii gabteen bal
aad dhibaatooyin iyo kala qaybsanaan iyo xagjirnimo uun ku soo kordhiseen shacabkii
taageeradiina aadka ugu baahnaa, hadana waxaan idinku boorinayaa inaad dib si miyir
qaba ah oo idinka oo iska dhaafaya
Caadifadaha aan xaqiiqooyinka ku salaysnayn, aad ka qayb qaada taan hanaanka nabada
ee ay maanta ugu baahi badan tahay ummada Soomaaliyeed, inaad door muuqda ka
qaadataan dhaqaala u samaynta dadka dan yarta ah iyo barakacayaasha, inaad ummada
wax kala qabataan xaga waxbarashada, caafimaadka, daryeelka deegaanka iwm, inaad ka
qayb qaadataan isfahamsiinta beesha dhexdeeda iyo beelaha la deriska ah iyo dhamaan
ummada Soomaaliyeed, waa inaad
Ummada qadiyadiheeda aayaha ah aduunka gaadhsiisaan, gaar ahaan inta dulman, waa
inaad doontaan xaqii shacabkii wadanka lagu dhibaatayay ee lagu xasuuqay oo aad
mujrimiintii ka dambaysay dacwado ku soo oogtaan, oo aad dhex gashaan haya'adaha iyo
ururada xuquuqda dadka u dooda, oo aad fahamsiisaan xaqiiqooyinka wadanka ka dhacay
sanadihii badnaa ee aynu soo dhaafnay, kana hor tagtaan been abuurada ay fidiyeen
kooxaha sharwadayaalka ah, ee ah kuwa
Iyagu ku eedaysan wixii hoog iyo halaag wadanka ka dhacay ee iyagu gaystay, ee
dembiilayaasha dhabta ah, sida kooxdaa budhcada ah ee SNM iwm, mana aha macnahaygu
in aad idina been abuura kale samaysaan oo kula tartantaan, maya maya, bal waa inaad
hor gaysaan dhacdooyinka aan kor ku soo tilmaamay iwm, ee cadaynaha loo hayo. Waana
in wax walba magaciisa loogu yeedhaa tusaale ahaan waxan in badan warbaahinta ku
maqlaa ama ku arkaa dad ku tilmaamaya Daahir Riyaale
Kaahin in uu gaystay xasuuqyo!! Horta shaki kuma jiro in uu dembiya badan gaystay,
sida in uu dhul nabdoon dagaalo ka riday, in uu ummad badan barakiciyay iwm oo aan
ahayn dembiya fudud, laakiin se anigu ma maqal mana ogi meel uu ilaa hada xasuuq ka
gaystay, markaa dembi walba waa in magaciisa loogu yeedhaa. Allaah waxaan ka
baryayaa in uu wadanka nabad iyo xasilooni inoogu soo dabaal sharka iyo dulmigana
inaga badbaadiyo, oo uu inaga qabto waxan baas ee wada dabaqoodhiga u ah Xabashida
ee dadkii iyo dalkiiba halaajiyay ama kooxo ha ahaadeen ama maamulo ama dowladba ha
sheegteen ee.
Wabillaah atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it





