
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad
gelyona ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo
asxaabtiisii dhamaan.
Intaas ka dib:
Waqti aan sidaas u sii fogayn ayay taageerayaasha kooxda budhcada ah ee SNM, ay u
dabaal degeen sanad guura ka soo wareegtay sanadihii madoobaa ee uu cadawga
xabashidu ku soo biiriyay saaxada Soomaalida ururkaa cunsuriga ah SNM, koox kasta
ama mid walba oo taageerayaashooda ka mid ahi wuxuu ugu dabaal degaayay qaabkiisa u
gaarka ah, hadaba taageerayaashaa kuwooda wax ku qora mareegaha kala gedisan ee
cunsuriyada iyo Soomaali nacaybka lagu faafiyo, ayaa ku soo qoray
Mareegahaa qoraalo kala gedisan oo ay kaga qayb qaadanayeen xuska sanad guuraha loo
samaynaayay ururkaa cunsuriga ah, qoraaladaas intooda badani waxay ahaayeen isla
kuwii hore ee uun ay qori jireen sanad kasta, oo wax cusub oo ay ku soo kordhiyeen
ma jirin, marka laga reebo hal qoraal oo ay ishaydu si fiican u qabatay, aana aad
ula yaabay sida ninka qoray qoraalkaas uu u dheeh dheehayo waxa uu ugu yeedhay
taariikhdii ururkaa cunsuriga ah, waxa aad iiga sii yaabisay taariikhda ri’yada iyo
khiyaalka ah
Iyo guulaha aan waxba ka jirin ee uu ninkan qoraalka qoray uu ka sheekaynaayo,
xumaanta iyo dembiilanimada uu ku tilmaamayo wanaaga, uuna doonaayo in uu ummada ka
iibiyo, wuxuuna jecel yahay ninkanu in dembiyada iyo xadgudubyada ay shacabka ka
galeen uu noqdo mid faafa oo meela badan gaadha, gaar ahaan wadankeena oo dhan oo
uu u hibeeyay iyo mandaqada aynu ku naaloba, waa nin u badheedhay in uu xumaan
fidiyo, wuxuuna ku tilmaamay taariikh ku dayasho mudan!!!!
SNM: taariikhdu dadkay hagtaa!!!!!
Weedhatan aanu shakigu ku jirin inaad dhamaan la yaabi doontaan, marka laydinka
reebo taageerayaasha SNM, ee sida indha la’aanta ku taageersan dhamaan dembiyadii
iyo xadgudbyadii ay ummada iyo wadankaba ka galeen, waa cinwaanka uu xambaarsanaa
qoraalkaa aan soo tilmaamay, ee uu ninka qoray uga dan lahaa marin habaabinta
taariikhda ummada,iyo abuuris taariikh been abuur ah, qoraalkaas waxa lagu soo
daabacay mareegta islaam nacaybka iyo dabadhilifnimada ku caan baxday
Ee afdheer(wardheer.com). hadaba qoraalka intiisa badan wuxuu ninkaasu kaga
hadlaayay aasaaskii ururkaa cunsuriga ah iyo intii mujrim ee madaxtinimadiisa u kala
dambaysay, taas oo uu ku macnaynaayay dimoqraadiyad ku daysho mudan!! Aan se
dhamaanteen ka warqabno in xoog lagu kala kacsanaayay, oo aanay marna wax doorasha
ah lagu kala helayn, si kastaba ha ahaatee ma jirto waxaan ka faa’iidayno xili la
aasaasay urur cunsuri ah iyo mujrim mujrim bedelay toona, ee waxa u jeedkaygu
Yahay, in aan halkan ku xuso weedho uu qoraalkaasu xambaarsanaa, oo ku tusinaysa
riyada iyo lunsanaanta uu ku sugan yahay ninka qoraalkaa qoray iyo dhamaan
taageerayaasha ururkaa cunsuriga ahiba, weedhahaasuna sidan bay u dhignaayeen tan
ugu horaysaana waa: { SNM waxa ay gashay halgan hubaysan iyo mid siyaasadeed oo ku
suntami doona taariikhda casriga ah ee Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna ta
Somaliland. Taariikhda SNM waxa laga baran karaa qiyamta talowadaagnimo iyo isu
tanaasulaadka ku tusmaysan.}
hadalkan oo ah mid marin habaabin ah, waxay xaqiiqadiisu tahay in SNM cadaw ku
adeeganaayay, oo intuu soo tababaray oo soo hubeeyay uu ku soo hagay wadankoodii, si
ay u gaadhsiiyaan wuxuu cadawgu gaadhsiin kari waayay, taas oo aynu maanta wada
aragno natiijadeedii, mabda’oodu wuxuu ku salaysnaa qabiil iyo isir kala sooc
cunsurinimo ah, dagaalkooda xoogiisu 85% wuxuu ku jahaysnaa dad shacab ah iyo goobo
aanay joogin haba yaraatee ciidamada dowladeed, ciidamadooda waxa lagu dagaal
Gelin jiray in ay iyagu dhulka iska leeyihiin, wixii aan la qabiil ahaynina ay
tahay in ay dhulka ka guuraan, ayna noqdaan dowlad ka madax banaan Soomaaliya
inteeda kale, dabcan waxay iyagu doonayeen iyo wuxuu cadawga soo hubeeyay rabay aad
bay u kala fogaayeen, marnaba cadawgu ma rabin in ay noqdaan dowlad madax banaan,
ee bal siyaasadiisu waxay ku salaysnayd taynu maanta ku jiro guud ahaan Soomaaliya,
waxay dhulkaa ka gaysteen dembiyo iyo xadgudubiyo aanay gaysan Naasiyiintii iyo
serbiyiintii midkoodna,shakina kuma jiro in taariikhdoodu ku dambayn tay ku
dambayeen Naasiyiintii, Serbiyiintii, cadaankii midab takoorka ahaa ee koonfur
Africa iwm, miyaad aragteen taariikh ka hadhay kuwaas! Dembiilayaal cunsuriyiin ahi
cidhib wanaagsan iyo taariikh toona ma reebaan, druusta laga baran karaa Allaah ha
inaga ilaaliyee, waa cunsuriyada qabiilka ku salaysan, fidnada iyo iska horkeenka
walaalaha wada dhashay, necaybka ummada inteeda kale, gumaystah iyo cadaw u
adeegida, xalaashiga wax kasta oo xaaraam ah, dilka foosha xun,
dhaca,bililiqada iyo wax kasta oo dembi iyo xadgudub ah.Weedha labaad ee iyana I
soo jiidatay baa waxay iyana u dhignayd sida tan: { SNM waxa ay talada ku celisey
dadka markii dalka la xoreeyey ka dib oo waa tii 1993 Boorame xilka iskaga
wareejisey. Taasi ka baaqashadeeduna waa tii ay USC ku guul seegtay, markii dambena
horseedday qalalaasayaasha la soo dabbaali la’yahay ee dagaallada sokeeye iyo
ismaandhaafyada la hal maala ee gacan-ka-hadalka ah ee ilaa maanta dhisaalan.}
Tanuna waa dheehdheehid indha la’aan ah iyo marin habaabin kale, SNM markay gobolada
qaar gacanta ku qabteen kuna dhawaaqeen riyadoodii soo jireenka ahayd ee ay waqtiga
dheer hiigsanayeen, ee ah in ay ka madaxbananaadaan Soomaaliya inteeda kale, waxa ka
dhex abuurmay dhibaatooyin badan waxayna isaga wada horyimaadeen hab qabiil, ilayn
aasaaskoodu qabiil buu ahaa qabiilna meel uu ku dhamaado ma laha ee, doonidiina meel
badwayn ah bay kula caariday, oo waxba way ka qaban kari
Waayeen qalalaasihii, jaahwareerkii, darxumadii iyo colaadihii hadheeyay goboladaa,
laba sano ka dib ayaa waxaa inqilaab nabad gelya ah ku samayay xukumkoodii Maxamed
Ibraahim Cigaal, oo wata qaar ka mid ahaa siyaasiyiintii Manefesto iyo waxgarad iyo
aqoonyahan kaleba, C/Tuur oo ahaa markaa madaxii ururkaa cunsuriga ah ee SNM, wuxuu
u boqoolay dhinaca koonfurta markii xukumkii laga tuuray, wuxuuna ka soo horjeestay
isla markiiba, gooni isu taagii ay hore ugu dhawaaqeen.
Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu xukumka ka fogeeyay xubnihii SNM, waayo wuxuu ku
qanacsanaa in hadii ay ku sii jiraan xukuumada aan wax horumar ah la gaadhayn,
wuxuuna horumar wayn ka sameeyay dhinaca nabad gelyada yaanayba caga adag ku
taagnaan ee, horumar badan oo kalena wuu sameeyay intii uu xukumka hayay, dalkii waa
isu furmay, dadkiina waa is dhex galeen oo isu socodkii baa soo noqday, qaxootigii
ku sugnaa ee ku darxumaysnaa dhulka Ethiopia gumaysataana wadanka ayay dib ugu
Soo noqdeen, Maxamed Ibraahim Cigaal waxba kama bedelin andacadii SNM ee ahayd
gooni isu taaga, in kasta oo aanu isagu ahayn nin doonaaya in uu dalka kala gooyo,
kuna qanacsanaa in aanay suura gal ahayn , Soomaalida kale iyo aduunkana ka
gadmayn,hadana waxa ku adkaatay in uu si fudud uga horyimaado, balanqaadkii ay SNM
shacabka hooga iyo halaaga u soo mariyeen, ubadkoodiina awgeed ay ku laayeen,
markaa taas wuxuu ka doorbiday in uu nabad ka sameeyo goboladaas horta, adeegyadii
Aasaasiga ahaana soo celiyo, dhowrona inta Soomaaliya xal laga gaadhaayo, isagoo
taas si fiican ugu dhuun daloolay oo la socday dedaalada loogu jiro, talooyina ka
dhiiban jiray arimahaas, hase yeeshee arintii waxay madax ilaa minjo isu rogtay
markuu geeriyooday Maxamed Ibraahim Cigaal aw Riyaalena kursigii ku fadhiistay.
Markaa waxaynu leenahay SNM waxa lagu sameeyay inqilaab nabad gelyo oo taladii
lagagala wareegay ka dib laba sano oo wax qabad la’aan ahaa, USC se waxa lagu
sameeyay
inqilaab degdeg ah oo ay siyaasiyiintii manefesto ka dambeeyeen, markii dambena
dhiig aad u fara badani ku daatay. Waxa se xusid mudan wax kastaba ha ku kaceen ee,
in waqti aan aad u badnayn ka dib uu magacii USC saaxada ka baxay, oo aan maanta la
hayn wax magacaa sheegta, markii ay ku qanceen taageerayaashii ururkaasu in aanu u
horseedi doonin nabad iyo barwaaqo, inta uu jirona aan xal laga gaadhayn arimaha
wadanka ee murugsan, waa arin qaderin iyo ku dayasho mudan, oo ay ka baaqsadeen
taageerayaasha SNM!!!!
Weedha saddexaad ee iyana ishaydu qabatay sidan bay u dhignayd: {Si kastaba ha
ahaato’e, wixii libtooyo ama guulo halgankaas SNM ka dhashay maxsuul ahaan dadka
(Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo,
taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa. Maanta
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ama wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro
ama inta kale ee ka midka ahayd intii la safnayd siyaasaddii taliskii Maxamed Siyaad
Barre lagama sheegan karo Somaliland oo ka mid ah guulihii SNM ka biqlay. Agoontii
SNM ee aabbahood lagu diley halgankaas iyo agoontii uu dhalay aabbihii xagga kale ka
sii jeedey ee isna halkaas ku dhintay, labada agoonoodba maanta xuquuq siman ayay
Dastuurka Somaliland ku wada leeyihiin oo uma kala sed burin karo. Kala duwanaantu
se waa sooyaalka taariikheed oo Daahir Riyaale iyo Cabdillaahi Cirrona ku suntaysa
in ay ka mid ahaayeen adeegayaashii iyo saaxiibbadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre,
Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Maxamed Seyidina aasaasayaashii
SNM}
Waxaan shaki ku jirin in ninka qoraalkan qoray uu yahay qoraa aan sahlanayn, haduu
qoraaladiisa kaga hadli lahaa wanaaga,khayrka iyo cadaalada, ummadu wax badan ayay
ka faa’iidaysan lahayd, waxa se ah wax aad looga xumaado in uu qoraaladiisa u
adeegsado dhinaca sharka, waa nin aad u baratay sida baadilka xaqq loogu ekaysiiyo,
xaqqana baadil looga dhigo, waxaan filaayaa taas waa duruustii uu ka soo qaatay
ururkaa cunsuriga ah ee SNM, waayo sida uu qoraala kale ku sheegay wuxuu ka mid ah
ururkaa
Oo uu dhalinyaranimo kaga mid noqday, waxana leeyahay libtooyada iyo guusha halkaa
inaga dhig waayo taasu wax aasaas xaqiiqa ah ma laha, labada agoomood ee uu
leeyahay waxbay u siman yihiina waxay ka mid tahay dheehdheeha uu u samaynaayo
maamulka isku magcaabay Somaliland ee dhaxlay fikirkii lunsanaa ee SNM, waxa se cad
in aan labadaa agoomood u sinayn maamulkaa, sideedabana aan loogu tala gelin in ay
sinaadaan, kala duwanaasha sooyaalka taariikheed ee Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan
Ciise
Jaamac, Axmed Maxamed Seyidina iyo Daahir Riyaale, Cabdullaahi Ciro oo gadaal kaga
soo biiray iwm, waa aasaasayaashii sharka,fidnada iyo cunsuriyada, taariikhda
ummadana waxay kaga qoran yihiin baal madow, waxana waajib ah in lagula xisaabtamo
intooda nool dembiyadii ay ummada ka galeen oo ay ugu dambeeyeen kuwaa hada gobolka
Sool ka dhacaaya, dhinaca kale Pro. Ismaaciil Hure Buubaa, Dr. Caydiid Ilka Xanaf,
Pro. Axmed Ismaaciil Samatar, Cabdullaahi Boos iwm, waa ururiyaal u guntaday siday
ummada ugu soo celin lahaayeen qaranimadii, sharaftii iyo karaamadii, waxana u
sugnaatay cidhib wanaagsan, taariikhdana waxa ay ka gelayaan baal dahab oo lagu
xasuusto, waa marka aynu mandaqadaa ka hadalo ee.
Xoraynta Laascaanood
Qaar ayaa waxay I wadiiyeen, maxaad xoraynta Laascaanood wax uga qori wayday, oo
dedaalada xoraynta magaalada uga qayb qaadan wayday?!!! Horta waa run oo in kasta oo
aan aad wax uga qoray intii aanu cadawga Ethiopianku magaalada ku wareejin maamulka
la baxay Somaliland, markii la qabsaday magaaladana aan ahaa kii ugu horeeyay ee
ummada u iftiimiyay shirqoolka cadawga, in arinta uu gacanta kula jiro cadawgeena
Ethiopia, taasna la ogaaday waqti dheer qoraalkaygii ka dib in ay run
Tahay, waqtigaa anigu waxaan dhamaan dhinacyada ay arintanu khusayso ugu baaqay in
la wada hadlo, miiska wada hadalada laysugu yimaado, oo arinta si nabad gelyo ah
lagu dhameeyo, iyada oo danta shacabka wax walba laga horaysiinaayo, markii taas
laga quustay ayna muuqatay in qolo walba Kitaab qumane ahi qoorta u sudhan yahay,
dhinac walibana ka ka soo horjeeda uu u arko khaayimiin iyo dabadhilifyo ay tahay in
aan arintan loo daba fadhiisan, ayaan markaa garwaaqsaday in aan wax ka
Qorista arintanu waxba soo kordhinayn, hase yeeshee mabda’aygii iyo fikirkii aan
taas ka qabay wax iska bedelay ma jiraan, ilaa maantadaana waxan qabaa in waxa aan
la huri dooninin uu maanta haboon yahay, kaas oo ah wada hadal arintan lagu dhameeyo
waa fursad weli taagan, oo haboon in laga faa’iidaysto inta aan khasaare dhicin,
dabadeedana khasaaraha ka dib ay lama huraan noqon in wada hadal laysugu yimaado
sidii Soomaalida u caada ahaan jirtay, dhinacyada arintan ku lug lihi way badan
Yihiin,mid dowlad aan meel ay ka gadmayso la garanayn sheeganaaya oo is mahadiyay,
mid iyaga ka daba sacabinaaya, mid ciishaysan oo in lagu soo xadgudbay u arka, mid
ishaafalata ku jira iwm, dhamaan waxaan leeyahay, belo haday dhacdo Allaah ha inaga
hayee, waxay yeelan kartaa kedisooyin aan nina ku tala gelin, ayna tahay in uu
dhinac waliba fisho, oo nina guul iskuma hubo ee caqligu ha shaqeeyo, maanta labadaa
gobol ee woqooyi galbeed iyo woqooyi bari waxa lagu haystaa nabad ay la’dahay
Soomaali inteeda kale ee yaan la lumin, waxan maqli jiray walaaleheena Cafarta oo
aynu cid isugu dhownahay, oo dhiig iyo dhalashoba inaga dhexayso, ayaa waxay ku
maahmaahaan:” Soomaali dhergay alxamdulilaahi ma yidhaahdo” runtii aad baan u
garwaaqsaday arintaa, bal eeg cibrad kumaynu qaadan wax yaabihii badnaa ee 20kaa
sano ina soo maray,ilaa maalintii dhibaatadu bilaabantay waxaynu arkaynay koox
xoogaa yar oo guul ah gaadhay iyagoo awel ku andacoonaayay in la dulmay,markaas ayay
Halkay Allaah ka mahadin lahaayeen, bay iyagu is mahadiyaan, oo la soo baxaan kibir
iyo isla wayni iyo ka dhega adayg wax kasta oo loola yimaado, oo bilaabaan in ay
inta kale madaxa cagta ka saaraan, markaas ayaad beritoo arkaysaa hadana iyada oo
cid kale lagu saliday oo wixiiba ka fara madhan, haba yaraatee cibrad kuma qaataan
wixii hore u dhacay, koox kasta oo maanta wax is bida cibrad waxaa ugu filan hadii
Allaah tusaayo, dowladii Africa ugu xooga waynayd waxaa xukumkii ka riday jabhada
qoryo
Yar yar wata, oo aanay weligood xisaabta ku darsan, dhab ahaantii may ahayn waxa
riday jabhado,bal wax yaaba kale oo badan baa isu urursaday, oo dunuub ah, markaa
jabhadihii hubka u qaatay ee ay xaqirayeen, baa Allaah tacaalaa ku ciqaabay iyaga
in ay xukumka ka tuuraan, hada dhinacyada arintan ku lugta leh qaar baa is
mahadiyay, laga yaabee xoogaa ay dabadooda ku og yihiin owgeed, bal waa sidaan soo
xusnay ee belo haday dhacdo cidina ma saadaalin karto meesha ay ku dambayn, markaa
caqligu ha shaqayo Soomaaliyay,weliba mid baan taas ku darayaa waana dhibtii iyo
burburkii Soomaaliya woqooyi
Buu ka bilaabmay, nabad soo noqatana woqooyi bay ka bilaabatay, hase yeeshee reer
woqooyi ugama faa’iidaysan nabada ay heleen sidii haboonayd, bal waxaa waqtigii lagu
lumiyay mudadaa labaatanka sanadood ah riyo iyo dhalanteed, oo ah dowlad baanu nahay
aan meela ka gadmayn suura galna ahayn, wax badan baana taas ku seegay reer woqooyi,
hadaan maanta inta hadhay laga faa’iidaysan oo aan wax la saxin oo caqli iyo niyad
wanaagsan lala iman, waxaan shaki igaga jirin in ay dhibtu mar labaad ku soo noqon
halkay ka bilaabantay, oo ay ku dambayn woqooyi,tan kale aniga Laascaanood,
Hargaysa,
Gaalkacayo, Baydhabo iwm, waa isugu kay mid, intubana waa ciida qaranka
Soomaaliyeed, midnimadooduna waa lama taabtaan, midnimada dhulka Soomaaliyeedna wax
gorgortan ah ma leh haba yaraatee, sidaas darteed waxaan u arkaa kuwa yidhaahda
marka ay SNM ta ka hadlayaan, haday doonayaan intooda ha goosteen!!!! In uu yahay
hadal raqiis ah oo wadaniyad xumo ku dheehantahay, Soomaaliya waa mid, cid dhul
gaar u lihina ma jirto, bal dhulka qaranka ayaa leh, Soomaali oo dhamina
Waa u siman yihiin Laascaanood, Hargaysa, Gaalkacayo, Baydhabo iwm, ururada qabiilka
ku salaysan ee hada jira ama la aasaasaayona, waxaan shaki ku jirin in ay ku dhici
doonaan tay ku dhacday SNM ee aan hada ka hadlayno, haday taasu dhacdo oo aan
noolahayna waxaan noqonayaa kan ugu horeeya ee cambaaraya, waayo anigu SNM dad ahaan
uma necbi, ee waxaan ku necebahay dembiyadii, fidnadii iyo xadgudubyadii ay dalka ka
gaysteen, cida doonaysa in ay ka hortagaan fikirka guracan ee gooni isu taaga
Ee ay SNM horseedka ka tahayna, waa in ay abuuraan urur wadani ah oo kaga hortaga
fikirkaa gurcan gudaha iyo debedaba, taageerana waa in ay ka raadsadaan inta badan
ee caafimaadka qabta ee joogta Laascaanood, Burco, Hargaysa iwm, xubnaha ururkana
laga qayb gelyo dadkaa, habkaa wadaniga ah baana lagaga guulaysan karaa ururkaa
cunsuriga ah, maanta waxaan aaminsanahay in uu dhamaaday xiligii qoriga caaradiisa
wax lagu raadin jiray, bal waa xili hab siyaasadeed oo nabad gelyo ah wax lagu
Raadiyo, waa xili mudan halkii laga aasaasi lahaa ururo qabyaalad ku salaysan, la
aasaaso ururo wadaninimo ku salaysan, waa run oo Laascaanood waxaa xoog ku jooga
cadawna kaga dambayaa niman budhcad ah, oo ah ciidamadii SNM ta aynu qoraalkan kaga
hadlayno, hase yeeshee dee budhcadaasu waa Soomaali ay cunsurinimo iyo fikir
guracani madax mareen, una baahan in laga dawayo cudurkan Soomaali necaybka ah ee uu
shaydaanku ku ibtilayay.
Colka wadhaf ma lagu deyay?!!
Horta mudo aad u dheer, markii wax walba laysku deyay in lagu dawayo walaalaheenaa
gooni isu taaga iyo Soomaali necaybka lagu ibtilayay, ee ay waxba tari waayeen,
waxaan odhan jiray tolow dawada baas ee ugu dambaynta lagu dawaynayaa maxay
noqonaysaa?!! Waxa se kediso iyo lama filan waa igu noqotay, aadna aan ula yaabay,
markii ay fanaanada Saado Cali qaaday dhowr heesood, oo ay kaga soo horjeedo gooni
isu taaga madax maray kooxda SNM iyo taageerayaashooda, ayaa waxay ka dhex
Abuurtay maamulka la magac baxay Soomaaliland guud ahaan jaahwareer iyo isku dhex
yaac aad u xoogan, qayla dhaan aad u dheer baa ka soo yeedhay SNM iyo
taageerayaashoodii, waxaad subax kasta ugu soo waaberiisanaysaa warbaahinta u
adeegta maamulkaas gaar ahaan mareegaha internetka, tobanaan heesood oo la leeyahay
waxaa loogu jawaabayaa fanaanada Saado Cali, oo lala doonaayo gabdho cod wanaagsan
oo reer Somaliland ah oo ku luuqaya!! Qoraaladu iyaguna waa ay tira
Beeleen,heesahaa iyo qoraaladuba intooda badani waxay xambaarsanaayeen cay iyo
aflagaado oo dhan, oo lagula kacaayo fanaanada Saado Cali, in kasta oo aan iyada
heeseheedu xambaarsanayn wax cay ah iyo aflagaado toona, waxa se jiray dad ka
xumaaday siday wax u dhaceen, una xishooday kuwii xagjirka ahaa ee waxaa qoraayay
ama alifaayay, iskuna deyay in ay wax toosiyaan, una sheegay kuwaa jidbada iyo
cunsurinimadu madax martay, in ay Saado Cali waqtigii dagaalada u hiilisay SNM oo
ay abaal
Ka mudan tahay, hadana aanay iyadu caytamin, oo aanay inaga mudnayn waxaas oo
aflagaado ah, hase yeeshee dadkan dambe waxay arintu ku noqotay dad kaa badan iyo
biyoba way ku hafiyaan, oo kuma guulaysan in ay joojiyaan mowjadaa cayda iyo
aflagaadada ah ee lagula kacay fanaanada, si kastaba ha ahaatee waxay arintani
muujisay oo ay daliil u tahay, daciifnimada qadiyada kooxdan madax martay ee gooni
isu taaga, waxay ka dhigan tahay xabad beed ah oo in ay jabto laga ilaalinayaan iyo
dhinaca kale in ay weli jiraan wax badan oo laysku dayaa, si loogu daawayo kooxdan
ibtilaysan.
Doqonka Faysal Cali Waraabe oo u ugaadhsan doona dhamaan wixii dembiyada ka galay
siday Yuhuudu u ugaadhsato Naasiyiintii!!!!
Ugu horayn waxan jecelahay in ay aqristayaashu iiga cudur daaraan kelmeda aan kor ku
xusay oo laga yaabo in ay qaar ula muuqato aflagaado qaawan, hase yeeshee waxaan
leeyahay sida aad wada ogtihiin ninka waxa qoraya ama alifaya iwm, hadalku isagaa
isa soo hormariya oo wuxuu ku cabiraa ficilada cida uu wax ka qoraayo ama ka
alifaayo, ninkan Faysalna ficiladiisa ayaa sidaa ka dhigaaya, ee maaha wax aan anigu
maskaxdayda ka alifay, ninkanu mudadii ay colaaduhu wadanka ka jireen, ee fidnada
iyo
Dhibtu aafaysay ummada oo dhan, wuxu isagu kaga jiray meel qabow oo nabad ah, oo
wuxuu la joogay ragii madaxda ka ahaa dowladii markaa talada haysay, daacad buuna u
ahaa, adeegya badan waa u qaban jiray, markay dowladii dhacday ayuu Faysal dantiisa
ka arkay in ay u haboon tahay in uu ku biiro ururkaa gooni goosadku madax maray ee
SNM, wuxuuna la soo baxay dardar cusub, Soomaali nacayb iyo cunsuriyad uu ku
fadhfadhiisiyay ragii ruug cadaaga ku ahaa cunsurinimada iyo gacankudhiiglanimada ee
ururkaa uga horayay oo dhan, Faysal wuxuu ku caan baxay in
uu wax alaale iyo wixii afkiisa ku soo dhaca iskaga hadlo, hadalkiisan ugu
dambeeyay ee aan kor ku xusay, Faysal wuxuu yidhi hadal aanu qiyaasi karin meesha
uu la gelaayo iyo meesha uu ku dhamaan doono, ma laga yaabaa in cida uu is leeyahay
waxbaad ugu qabanaysaa uu wax ugu dhimaayo!!! Hadaan faysal hadalkiisa halkaa ku
dhaafno, waxan jecelahay in aan qoraalkan ku soo gunaanado arin aan aqoon korodhsi
uga dan leeyahay, oo aan rabo in ay aqristayaashu ii fasiraan siyaasad ahaan, waayo
waan
Fahmi kari waayay marka garashadayda hoosaysana lagu daro ujeedada ka dambaysa,
waana saddex tusaale oo ku saabsan dembiyadii dalka laga galay sanadihii badanaa ee
ina soo dhaafay, kan hore waa gumaad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen qaar ka mid
ah madaxdii ciidamadii Soomaalida, waana dhacdada la magac baxday xasuuqii Jaziira,
anigu war sugan kama hayo siday u dhacday, ee sida qayrkayba u maqlay uun baan u
maqlay, waase arin hadal haynteedu aad ugu badan tahay warbaahinta
Soomaalida, waxan barbar dhigayaa laba dhacdo oo gumaad ah oo ka mid ah xasuuqyadii
faraha badnaa ee ay dalka ka gaysatay kooxda SNM, dhacdada hore waa: 1989 kii
dabyaaqadiisii ayaa ciidamadii SNM kala degeen dad shacab ah oo aan hubaysnayn oo ay
isir sooceen, gawaadhi maraysay meel magaalada Ceerigaabo u dhow, dadkaa waxaa loo
qafaashay buuraha Ceerigaabo, waqti dheerna halkaas ayaa lagu hayay, ugu
dambayntiina waa la xasuuqay, dadkaa waxaa ku jiray dad biri ma gayda ah oo da’ ah.
Dhacdada labaadna waa: 1991kii markii ay dowladii dhexe dhacday, ayaa meesha la
yidhaahdo Bancade oo u dhow magaalada Xudun ee gobolka Sool, ayaa dad reer miyi ah
oo ah laba beelood, oo ka mid ah beelihii walaalaha ahaa ee ay SNM fidnada dhex
dhigtay ku dagaalameen, dagaal maalin socday hase yeeshee aan wax khasaara ah
gaysan, subaxii maalintaa ka dambeeyay ayaa dhinac ka mid ah reer miyigii shalay
dagaalamaayay, waxay arkeen ciidama fara badan oo tikniko wata oo ku soo wajahan,
Meel dhufays ah bay la galeen xoogaa yar oo qoryo ah, oo ah kuwa fudud oo ay
qaarkood siteen, si ay isugu daafacaan, ciidankii badnaa ee tiknikada watay markii
ay ku soo dhowaadeen bay calan cad u taageen ragii dhufayska ku jiray, kaas oo
muujinaaya nabad, waxayna ka dalbeen in ay cid soo dirsadaan, laba nin baa loo
diray, ciidanku waa ciidankii SNM, waxayna nimankii u sheegeen, in dalkii nabad
gelyo ka dhacday oo la heshiiyay, ayna halkan hada u yimaadeen in ay nabad dhex
dhigaan iyaga iyo qoladii ay
Shalay dagaalameen, runtii arinta nabadaynta waxbaa ka jiray, oo odayaal iyo
waxgarad badan baa ku hawlanaa markaa, dhul badana waa la nabadeeyay oo waa lagu
heshiiyay, mandaqadana dhaqdhaqaaq caynkaas ah waa laga filaayay, sidaas darteed
nimankii reer miyiga ahaa arintaa way ku qanceen, wayna ka soo baxeen dhufayskii ay
ku jireen oo ciidankii SNM ta bay u yimaadeen, markay taasu dhacday, ayaa ciidankii
SNM tu isku wareejiyeen nimankii waxayna ku amreen in ay hubka dhigaan, nimankaasu
hubkii
Bay dhigeen waayo khiyaar kale oo hortooda yaalaa ma jiro markan, nimankaa markii
hubkii laga dhigay si toos ah baa loogu xasuuqay goobtii, markaa sida muuqata
saddexdaa dhacdoba waa gumaad lagula kacay dad shacab ah oo maxaabiis ah, waana
dembi aad iyo aad u wayn, ayna waajib tahay in cadaalad la hor keeno cidii ka
dambaysay, laakiin waxaa jira kala duwanaansho ka dhexeeya saddexdan dhacdo, waana
tan ay su’aashaydu ku saabsan tahay oo aan rabo in aan aqoon korodhsi ka helo,
waxaana
Jawaabta ka sugayaa aqristayaashu in ay ii iftiimiyaan, su’aashuna waxay tahay
dhacdada hore waa tan Jaziira ee, waa mid aad warbaahinta ugu baahsanayd muda dheer,
oo had iyo jeer la hadal hayo, halka labada dhacdo ee dambe aanan haba yaraatee ku
maqal kuna arag warbaahinta, marka waa maxay kala duwanaanshaha labadan arimood iyo
dhacdooyin badan oo la mid ah oo qaarna si xooga loogu soo qaado warbaahinta, qaarna
aamba la adkurin, waa maxay sababta taas keentay?!!!!!!
Wabillaahi atowfiiq
Essa Mohamoud Aadam
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it





