Radio Ogaal

Wednesday
Sep 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Odayaasha beesha Absame ee dalka Kenya oo u digey Xarakada Alshabaab

E-mail Print PDF

Shirweyne lagu qabtey magaalada Gaarisa ee dalka Kenya oo ay goobjoog ka ahaayeen guud ahaan odayo dhaqameedka beesha Absame ayaa waxey baaq u direen dunida caalamka, xarakada Alshabaab waxeyna sheegeen iney ku hawlan yihiin sidii ay usameyn lahaayeen maamul goboleedka Jubaland. Saxaafadda dalka Kenya ayaa shalay qortey warbixin dheer oo kusaabsan shirka guurtida Absame ee kusugan magaalada Gaarisa. Guddoonka beesha Sheekh Khaliif Guure ayaa saxaafadda u sheegey in beeshiisu ay diyaar u tahay in maamul goboleedka Jubaland sameeyeen. Sheekh Guure ayaa sidoo kale sheegey in dalka Kenya uu yahay mid abaalweyn u galay umadda Soomaaliyeed isagoo sheegey in kabadan 300 000 oo qaxooti ah ay kusugantahay dalka Kenya, sidaas darteed waxey beeshu ugu baaqdey Xarakada Alshabaab ineysan isku dayin iney soo weeraraan dalka Kenya hadii ay dhacdana ay difaaci doonaan. Shirkan beesha waxaa goob joog ahaa Suldaanka Ajiga ee Waamo Suldaan Cali Sonkor oo magaalada Afmadow kasoo baxey markii ay Alshabaab ka awood roonaadeen Xisbul Islaam waxaa sidoo kale weheliyey odayaal kale oo badan oo kasoo tagey jubooyinka uuna kamid yahay Nabadoon Cumar Feyn oo cimrigiisu ku dhawyahay boqol sano oo markii ugu horeysey kasoo baxey magaalada Afmadoow. 

Waa markii ugu horeysey ee guurtida beesha Absame ay shir noocan oo kale qabsadaan balse waxaa lasugayaa waxa ay ka baddasho xaaladda dalka iyo midda gobolada jubooyinka.

 

Wararka Xiisaha Leh

 

VOA - Somali Service: Farhia Absie's resignation letter!

To: Somali Service, Africa Division, VOA, IBB and BBG top executives Re: Resignati...

 

How Did My DNA Make Me?

  Haven't you ever asked yourself how you got your nose, eyes, ears, fingers, toes, ...

 

Maradona's Argentina Remain a Potent Force

   By Farid OmarAs the qualifying for the FIFA 2010 World Cup slated for Sout...

 

Halgankii Xornimada Dalka iyo Kaallintii Culumaa'udiinka Soomaaliyeed.

  Taariikhda soo yaalka ah ee Dalka Soomaaliya ayaa marnaba aysan ka dahsoonayn kaallinti...

 

RUNNING AS A NATION WATCHES

Introduction ...

 

The Bomber is Alive: Shamo Carnage Revisited by Abdikarim H. Abdi Buh.

 The Bomber is Alive: Shamo Carnage Revisited By Abdikarim H. Abdi Buh December 25, 2009 ...

 

Laba Jeer Ayuu Ka Badbaaday Qunbuladii Nugliyeerka Ee Japan , Haduuna Dhintay.

  Waxaa maanta lagaga dhawaaqay dalka Japan in uu dhintay nin laba jeer ka badbaaday qunb...