Shirkii wadatashiga Soomaaliya ee ka socday Kismaayo ayaa “Sal dhabaandhab ku dhamaaday”.

juba martiMasuul kasta oo madasha yimid wuu buuxay oo meel maslaxo Ummadeed uga banaaneyd ma jirin marka laga reebo madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo asagu mar walba soo qabsaneyey magaca Soomaali. Madaxweynaha DF ee Soomaaliaya mudane Xasan Sheekh Maxamuud Culusow si uu dan Soomaaliyeed ruux ula qaato wuxuu xujo uga dhigay in laba sano loogu daro waana laga diiday, Gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu asaguna xujo ka dhigtay in mudada loo kordhiyo waana laga diiday, madaxweynaha Puntiland mudane Cabdiweli Maxamed Cali wuxuu u diiday in uu Kubadaba lugta saaro Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Shariif Xasan Sh Aden, Reysal Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Kursigiisa ayaa la ekaa. Isku soo wada duuboo shirkii “Sal dhabaandhab ku dhamaaday”.