Tacsi Inaa Lialaahi wa inaa ileyhi raajacuun.

radioogaal idilTacsi Inaa Lialaahi wa inaa ileyhi raajacuun. Anigoo Hassan Abdillahi Omar ( Karate) kuna hadlaya magica Ogaal Radio waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Reer Saalax Deer, Reer Yuusuf Ganay, Reer Dhoore, Reer Dirir iyo dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxaday Dr. Idil Ladane Saalax. Naxariistii Jano Allaha ka waraabiyee waxay ka soo jeedaa qoys magic weyn ku leh Soomaali dhexdeeda iyo taariikhda Soomaalidaba AUN Aabaheed Ladane Saalax wuxuu ka mid ahaa halagamayaashii laf dhabarta u ahaa halgankii S.Y.L ee xarnimada gaadhsiiyey Soomaaliya wuxuuna ka mid ahaa Baarlamaankii ugu horeeyey 1960. AUN Dr. Idil Saalax Ladane, waxay ahayd aqoonyahanad aad ugu dooda xaquuda Dumarka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka badani ay ka soo gaadheen burburkii Soomaaliya waxayna ahayd aqoonyahanad mar walba ka damqata dhibaatada Soomaaliya haysta waxay ahayd aqoonyahanad aad looga qiimeeyo aragtideeda meelaha looga dodo xaquuda aadanaha ee bulshada caalamka, waxaan Allaha awooda leh uga baryeynaa in uu naxariistii jano ka waaraabiyo Qoyskii, Qaraabadi, iyo Xigatadii iyo guud ahaanba Ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxaday uu samir iyo Imaan ka siiyo Amiim Amiin Amiin.