Saansaan colaadeed oo ka taagan Hiiraan.

degdeg radioogaal copyWararka naga soo gaadhaya Magaalada Baladweyn ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalada magaalada uu walaac weyn ka jiro waxaana magaalada soo buux dhaafiyey maleeshiyaad qabiileedyo wada walba magaalada maanta taagan.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Baladweyne ayaa inoo xaqiijiyay in Maleeshiyaadkani ay ka gadoodsan yihiin dil shalay magaaladaasi loogu geystay sarkaal u shaqeynayay mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala Magaalada.
Ilaa iyo hada maamulka gobalka Hiiraan wax war kama aanu soo saarin arrintaan, waxaana magaalada Baladweyne ka xayirmay ganacsigii iyo isku socodka dadweynaha.