Xabaal Wadareed 42 Mayd Ah Oo Jabhadda SNM ta Ku Xasuuqday Hargeysa Kadib Burburkii Xukuumadda Siyaad Barre Oo Lahelay!

Xigasho: Jigjiga Post Online , Hargeysa: (Jigjiga Post Online) – Waxaa bilowgii toddobaadkan magaalada Hargeysa oo xarunta ah maamulka aan wali la aqoonsan ee la magac baxay Somaliland laga helay xabaal wadareed oo ay ku aaseen jabhaddii SNM ee la dagaalamaysay xukuumaddii Siyaad Barre oo ay taageereysay Xukuumaddii Dergiga ee hore ee ka talin jirtay wddanka Itoobiya markii ay la wareegeen maamulka magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku xasuuqeen dad qaxooti, maati iyo saraakiishii jabhadda Somali Galbeed ka soo horjeeday ee la dagaalami jiray xukuumadda Magistu Xaylu Maryama sida ay taariikhda qoraysayso. Ma ahan markii ugu horreysay ee laga helay goobo ka tirsan gobolkaa Hargeysa gaar ahaan agagaarka xerooyinkii qaxootiga ahaa ee ay ku jireen shacabka Somalida Itoobiya xabaalo wadareedyo. Waxaa xusid mudan in aalaab inta badan laga helo xabaalo wadareedyada inta u dhaxaysay waddada u dhaxaysa Hargeysay iyo Gabiley ilaa iyo Boorame oo ahayd wadiiqadda dadka qaxootiga ah ay u soo mari jireen waddankooda Itoobiya.

Sida ay wararka ay inagu soo gaarayaan oo ay xaqiijiyeen dadkii goob joogga u ahaa dhacdooyinkaa waxay sheegayaan dhacdadan ugu dambaysay in ay waxa ay ku tilmaameen maamulka Hargeysa hawlwadeenno wakaaladda biyaha ka tirsan oo qodaysey qasabado biyaha dhulka loo galiyo loo a marinayay duleedka magaaldda inay la kulmeen si lama filaan ah xabaal wadareed ay ku jireen 42 qof oo iskugu jiray rag iyo dumar qaan gaar ah.

Dadkaa oo iyagoo Hargaysa ka qaxaya Hargeysa ciidankii Jabhadda SNM ay hab qabiil u shaqaynaya ay ku laayeen oo si cadowtinimo ah kuna laayay shacabkaa u soo gurya noqonayay waddankooda ee qaxootiga ahaa. Waxaa ayaan darra ah in ay si degdeg ah u aaseen maamulkii Somaliland oo SNMta ah maydadkii iyada oo aan wax baaritaan ah lagu samaynin dhiigoodii iyo haybta ay yihiin dadkaa la xasuuqay si ay uga qariyaan indhaha caalamka gumaadkii ay u geysteen.

Codsi inooga yimid eheladii dadkii SNM ay ku xasuuqeen Hargeysa iyo agagaarkeeda ka codsanayaan Maamulka la magac baxay Somaliland in baaritaan dheeraad ah oo caalami ah lagu sameeyo maydadkaa ay sheegeen inay heleen.

xasuuq_ogaalradio

By Cabdi Mul