Madaxweyne Culusow oo yidhi Taliyaaniga Reer abti baan u nahay.

culusow_radioogaal

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Culusow Gurguurte iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, ayaa kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Talyaaniga ee magaalada Rome. Madaxweyne Culusow ayaa hadalkiisa ku bilaabay si ka baxasan nidaamka Dowliga ah soona qaatay Taariikhdii gumeysiga oo sheegay in Taliyaanigu gumeysan jirey Koonfurta Soomaaliya Muqdishana ay ku noolaayeen boqolaal kun oo taliyaani Misioni ah oo Soomaalidu dhashay.

Madaxweye Culusow oo aysan taladiisu dhaafin Muqdisho ayaa dhiggiisa Talyaaniga uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyey taageerada Talyaaniga ee dib u dhiska Soomaaliya.

‘’Waxaan Mudane Madaxweyne kaa codsaneynaa inaad ku dhiirigeliso dowladdaada iyo shirkadaha ganacsiga Talyaaniga inay maalgashadaan Soomaaliya, noona Keenaan Baasto badan oo Barila ah waxaana idiin fasaxnay kheyraadka aan leenahay. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad u saamaxaya inay noqoto horseedka dhaqaalaha Afrika, waxaana ku dhiirigelinayaa Talyaaniga inay ka faa’iideystaan fursaddaasi oo ay ka mid noqdaan waddamada ugu horeeya ee maalgashanaya dalkeena’’.

Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa u sheegay Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud Culusow iyo wafdigiisa in Talyaaniga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isla mar ahaantaana uu soo dhoweynayo codsiga Soomaaliya ee dhinacyada maalgashiga , iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo amniga.