Gen.Muungaab oo mooshin laga keenay.

mungaab_radioogaalQaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Federaala Soomaaliya oo uu ka mid yahay Cabdiraxman Suge Maxamed kana mid ah Saxiixayaasha Mooshin ka dhan ah Duqa Magaalada Muungaab ayaa sheegey in 10 Xildhibaan ay Mooshinkan u gudbiyeen gudoonka Baarlamaanka si ay arimo dhul muran ka taagan su’aalo uga weydiiyaan Duqa Magaalada Muqdishu Xasan Maxamed Muungaab.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ilaa 3 jeer isku dayeen in ay la kulmaan mudane Muungaab balse aanay suuro-galin kadibna ay Mooshin isku keeneen sida uu qabo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka
Xildhibaankan ayaa ka digay in dhulalka la kala iibsanayo aanay shacabku ku degdegin iyo in loo baahanayahay in wax laga ogaado Hantida guud iyo Hantiga gaar ahba.