Wadanka Sacuudiga 11 ayaa ku dhimatay dhisme degaan oo gubtay

Masuuliyiinta Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay dab ka kacay dhismo ay deganaayeen shaqaale u shaqeeya shirkada shidaalka ee Aramco in ay ku naf waayeen ilaa kow iyo toban qof, ayna ku dhaawacmeen in kabadan laba boqol oo qof.

Shaqaalaha ayaa ka kala yimid waddamo badan. Dadka qaar ayaa dhaawacooda uu culus yahay.

Dabka ayaa ka bilawday dhismo ku yaala magaalada Khobar.

Shirkada Aramco ee Sacuudiga ayaa waxaa u shaqeysa in ka badan konton kun oo qof.sucudi dab