llaal tahriibayaal ah ayaa ku dhimatay Bada.

Qiyaastii 200 oo qof ayaa laga welwel qabaa inay ku dhinteen laba doon oo ku degay badda u dhexeysa Libiya iyo Taliyaaniga, kaddib markii Doomihii ay la socdeen ay qiyaas ka badan intii loogu tala galay oo ay midiiba 500 qof ay saarnaayeen.

Tobannaan qof oo tahriibayaal ah ayaa sidoo kale la badbaadiyay, kaddib howlgal samata bixin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Taliyaaniga.

Laakiin dalka Liibiya malahan maamul dhexe oo gacanta ku qabta malleeshiyaadka iyo dadka tahriibiya dadkaasi, waxaana sare u kacay tirade dadka u tahriibaya Yurub ee sii martaya dalka Liibiya.

Sanadkan oo kaliya waxaa baddaha ku dhintay boqolaal muhaajiriin ah.

Xeebta lagu magacaabo Zuwara waxa ay saaka ku waa bariisatay shacab dibad bax ka dhigaya halkaasi, waxayna ka soo horjeedaan tahriibinta dadka.

Labada doo nee ay la socdeen boqollaalka qof ee muhaajiriinta ah ayaa waxa ay degeen isla marka ay ka dhaqaaqeen xeebaha Liibiya.

Madaxa hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IMO ee dalka, ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in 100 qof illaa iyo hadda la badbaadiyay, loona gudbiyay xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla galbeedka dalkaasi.

bada