Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland mudane Gen. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey wadanka Taliyaaniga.

fartag 10

Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland mudane Gen. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ay weheliyaan Wasiirka madaxtooyada Jubbaland iyo mudanyaal kale ayaa ka degey wadanka Taliyaaniga oo ay ka heleen casuumad rasmi ah weftiga ayaa markay ka soo degeen Garoonka caalamiga ah ee Fiumicino Airport waxaa ku soo dhaweeyey Wasaarada Arimha Dibada ee wadanka Taliyaaniga iyo safiirka u fadhiya Soomaaliya wadanka Taliyaaniga mudane Gen. Muuse Xasan Sheekh, wadanka Taliyaaniga oo ka mid ah wadamada Furaha u siyaasada Soomaaliya iyo xasalinteeda ayaa aad u soo dhaweeyey weftiga Jubbaland aadna ugu hambalyeey qaab dhismeed kooda iyo geedi socodka siyaasadeed ee ay ku talaabsadeen waxayna ku soo beegantay xili wadamada xiiseeya arimaha Soomaaliya ay aad u soo dhaweynayaan Jubbaland, weftiga ayaa maanta waxay la kulmeen Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada ee wadanka Taliyaaniga oo warbixin dheer ka dhageystay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland mudane Gen. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag

faratag 1 faratag 2 fartaaga fartag 3 fartag 5 fartag 6 fartag 7 fartag 8 fartag 9 fartag 10 fartag 11 fartag 14 fartag 15