Banaanbax balaadhan oo looga soo hor jeedo argagixisada ISIL ayaa maanta ka dhacay Jigjiga.

IMG_2453 copy

Banaanbax ay isgu yimadeen dad kor u dhaafaya labaatan iyo todobo kun oo qof ayaa maanta oo bisha April ay tahay 22, 15 ka dhacay caasimada DDSI ee Jigjiga, banaanbaxan oo looga soo hor jeeday falalka waxshnimada ah ee Kooxda argagixisada ah ee ISIL ee wadanka Libiya ay kula kaceen 30 muwaadin oo Itoobiyaan ah kuna sugnaa wadanka Libiya, banaanbaxan oo ay ka soo qayb galeen kumaan kun oo qof oo ka cadhaysan falkaas argagaxa ah ayaa waxaa shacabka la hadlay madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo asagu si bayaan cad ah u sheegay in Kooxda argagixisada ah ee ISIL kuna kacday falkaas foosha xun ee ka fog biniaadminimada kuna saleysan argagaxa in meel looga soo wada jeesto dhamaan Diimaha oo dhan iyo guud ahaanba aduunweynaha wuxuuna madaxweynhu xusay in dhacdadani ay tahay xanuun taabtay muwaadin kasta oo Itoobiyaan ah. Waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamada ee Shareecada Islaamka mudane Seyid Nadiir Seyid Nuur (Kaldha Yare) iyo Gudoomiyaha Mejliska Islaamka mudane Sheekh Cabdiraxmaan oo labaduba si waafiya u sharaxay doorka Diinta Islaamku ay ka qabto argagaxa iyo argagixisada si cadna u qeexay in Diinta islaamku ay beri ka tahay falkaas foosha xun ee waxshnimada ah ayna haboontahay in meel looga soo wada jeesto.

IMG_2409 copyIMG_2408 copyIMG_2414 copyIMG_2186 copyIMG_2392 copyIMG_2160 copyIMG_2137 copyIMG_2233 copyIMG_2234 copyIMG_2232 copyIMG_2176 copyIMG_2178 copyIMG_2432 copyIMG_2100 copy